Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caana booro ayaa maanta shir gudoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta wadashaqaynta Bankiga dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan qaasashada nidamka casriga ee Technology-yada oo ay kuwada shaqeeyaan hay’adaha kale iyo Bankiga dhexe.
Kulankan waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socday Bankiga dhaxe ee Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah Agaasimaasha qeybta Maaliyadda dowlada hoose Xamar.













