Baarlamaanka FS oo anxisiyay waxka bedelka Xeerka Waxbarashada

0
257

Mudaneyaaasha golaha shacabka BJFS ayaa maanta ansixiyay Wax ka bedelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1-aad, 2-aad iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 170 Mudane iyaga oo dhammaantood “Haa” ugu codeeyay ansixinta Sharciga Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Abuukar Xaaji oo ka hadlay Golaha ayaa u mahad celiyay Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee ansixiyay Sharciga Waxbarashada isaga oo si gaar ah na ugu mahad celiyay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here