Xukuumadda Somalia oo Shaacisay Waqtiga la Qaadayo imtixaanka Dugsiga Sare

0
388

DEGDEG: Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga saxda ah ee la qaadayo Imtixaanka dugsiga sare ee Dowladda.

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan

bahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista

imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.

 

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la

sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga

qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku

beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.

 

Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda

dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda.

 

F.G: Dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo

ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka

sanadkaan waxaa loo diyaarinayaa aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka

heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin kama qayb-geli doono

imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here