Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay danjiraha dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao.
Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka laba dal u dhexeeya, horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.
Sidoo kale, wasiirka iyo safiirka ayaa ka wadahadlay ajandayaasha dowladda ee la-dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dalka Shiinaha ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka taageerada kala duwan la garab-jooga dowladda iyo shacabka Soomaaliya, waxaana horay u ballanqaadeen inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.















