Daraasad ku aaddan dhismaha casriga ah ee Warta Xamar-jadiid oo lagu soo Gunaanaday xarunta Degmada Warta Nabadda: SAWIRRO

0
443

Maamulka degmada Warta Nabadda ayaa soo bandhigay daraasad muddooyinkii ugu dambeeyay laga sameynayay sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta iyo dhibaatooyinka xilli roobaadka lagala kulmo warta Xamar-jadiid ee degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, marwo Seynab Maxamuud Xaabsey ayaa kulan ay la yeelatay odayaasha deegaanka iyo Injineerro ayaa lagu soo bandhigay biyo-mareen iyo waddo casri ah oo la qorsheeyay in loo sameeyo warta Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda maadaama ay dhib weyn ku qabaan bulshada ku nool degmooyinka Warta Nabadda iyo Hawl-wadaag.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo, Seynab Xaabsay oo bandhigga ka hadashay ayaa bogaadisay hawsha wanaagsan ee la qabtay, waxa ayna goobta ka xustay in dhawaan la fulin doono dhismaha casriga ah ee Wartaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here