Kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska ayaa u soo baxday finalka koobka horyaalka Yurub ee UEFA Champions League, waxa ayna iska horimaan doonaan kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga ee Inter Milan. Kooxda Man City ayaa waxa ay xalay ku tumatay Real Madrid lugtii labaad ee semi-finalka UCL, iyadoo ku garaacday 4 goo iyo waxba. Lugtii hore ee cayaarta ayaa labada kooxood waxa ay galeen barbarro 1-1 ah, waxa ayna Man City xalay ku soo baxday natiijo ah 5-1.
Naadiga Man City ayaa intii ay cayaarta adag socotay soo bandhigtay cayaar aad u wanaagsan, waxaase meesha ka maqnayd kaalintii kooxda ka dhsian Spain ee Real Madrid oo taageerayaasheedu ay ugu hanweynaayeen.
Xiddigaha Real Madrid ay u muuqday kuwo laga itaal badnaa, waxaana xiddigga Luka Modric uu u muuqday mid awood ahaan aad u liitay, sidoo kale laacibka kale ee Karim Benzema ayaa isna u muuqay in uu ku dhex wareeray cayaarta muddadii ay socotay ee 90-ka daqiiqo ahayd.
Cayaaryahan Bernardo Silva ayaa qaybtii hore ee cayaarta laba gool u dhaliyay Man City, waxaana goolka hore uu ahaa mid uu si xiragdeysan uga soo shaqeeyay Kevin De Bruyne, halka midka labaad uu madax ku celiyey kubbad ay iska soo difaaceen ciyaartoyda Real Madrid.
Laacibka reer Norway ee Erling Haaland ayaa uu nasiibku diiday, waxaana dhawr kubbadood oo halis ahaa ka badbaadiyey goolhaye Thibaut Courtois oo dadaal badan muujiyay, balse garabkii uu filayay ka waayay cayaartoyda kale ee Real Madrid.
Tababbare Carlo Ancelotti ayaa la filayay in uu isbeddel ku samayn doono kooxdiisa qaybta labaad, balse waxay lasoo laabteen isla xiddigihii ku dhibbanaa garoonka 45-kii daqiiqo ee hore. Beddelkii ugu horreeyay ayaa noqday Luka Modric oo baxay isagoo u muuqday inuu awoodi waayay inuu sii wado cayaarta.
Eder Militao ayaa kubbad ayaa gool sadexaad u dhaliyay kooxdiisa, waxaana uu dhaliyay gool la isku dayay in laga badbaadiyo inuu gool shaliyo, balse si xirfadeysan ayuu u daba-mariyay goolhayaha kooxda Real oo dadaal badan muujiyay si uu u badbaadiyo kubbadda oo markii dambe shabaqa lagu hubsaday.
Dhanka kale, Julian Alvarez oo beddel ku soo galay ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray cayaarta waxa uu kubbadda dhinaca ka dhigay goolhaye Courtois, kuna hubsaday shabaqa, taasok natiijada 4-0 ka dhigtay, waxa ayna kooxda Mancheter City kusoo baxday 5-1, marka la la isugu daro goolasha ay dhalisay labadii kulan ee ay wada cayaareen Real Madrid.
Kooxda Manchester City ayay tani waxa ay u noqonaysaa markii labaad oo ay Finalka Champions League u gudubto, waxa yana sannadkii 2021-kii ay isugu yimaaddeen Finalka Koobkan kooxda Chelsea oo iyada ka dhisan Ingiriiska, iyadoo xilligaas hal gool oo keliya koobka ku qaadday.
Ugu dambeyn, Finalka Koobka Champions League ee sanadkan ayaa isaga horimaan doonaan Kooxaha Man City iyo Inter Milan ayaa 10-ka biaha Juun, 2023 ka dhici soona magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.














