Taliska booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ku sii sagootiyay ciidamo boolis ah oo tababar ku soo qaadanaya dalka Jabuuti.
Ciidamadan tababarka loo qaaday ayaa 100-askari lagu sheegay tiradooda, kuwaas oo muddo saddex bilood ah saddexda bil ah lasoo bari doonaa xirfadaha kala duwan ee booliiska sida: ka-hortagga rabshadaha, barista-dambiyada iyo fulinta hawlgallada qorsheysan.
Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) oo ciidanka tababarka loo diray kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan muddada uu tababarka socdo.
Ugu dambeyn, Dufcaddan oo ah middii 16-aad oo tababar loogu qaado dalka Jabuuti ayaa marka tababarku u soo dhammaado waxay ka hawlgeli doonaan Muqdisho, iyagoo gacan ka geysan doona sugidda amniga Caasimadda.













