Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan looga hadlayay hormarinta tacliinta la qaatay xubno ka socda midowga dugsiyada gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa warbixin looga dhageestay Midowga Dugsiyada,iyaga oo ka warbixiyay sida ay wax u bartaan ardayda iyo in lahubiyo tayada Waxbarashada Ardayda Gobolka Banaadir.
Agaasimaha Waaxda Waxbarashada gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Shiikh Nuur ayaa ka warbixiyay kulanka, isaga oo sheegay in ay u diyaar garoobayaan qaadista imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe iyo kan sare.
Bil kadib ayaa waxa Muqdisho iyo Gobollada dalka ka bilaaban doona Qaadista Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada dhexe iyo kan sare taas oo Dawlada Federaalka ay qaadeyso.













