Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta daahfuray tababar socon doono muddo 7-casho ah oo loo qabtay hawl-wadeennada waaxda dabdamiska ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Tababarkan oo ay fulin doonan hawl-wadeenno ka socda Magaalada Konya ee dalka Turkiga ayaa ah mid kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha kooxda dabdamiska ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyay musiibadii ka dhacday dalka Turkiga, isagoo Intaa kaddib uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida walaalnimada leh oo ay u garab-istaagtay dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.














