Ciidanka Xoogga Dalka Oo Qabtay Mid Kamida Maleeshiyadda Al-Shabaab+Sawiro

0
661

Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cusmaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dagaalamayay kooxda Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, Cusmaan ayaa isku soo dhiibay ciidanka.

Ninkaan oo kamid ah dhalinyarada ay qaladay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo dagaalamay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose oo ugu dambeyntii uu iska soo dhiibay.

Gaashaanle Nuuradiin Xuseen Macalin oo ah taliyaha ururka 83-aad, guutada 14October iyo L/xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo ah taliyaha ururka 84-aad ee isla guutada 14-ka October oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa Cusmaan Hiraab si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Janaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here