Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid ahaa Duqa Muqdisho ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur galbeed, iyadoo halkaas uu kusoo dhaweeyey madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ee Baydhabo ayaa ah ka qaybgalka shirka madasha wadatashiga Qaran oo lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in inta uu socdo looga hadlo xaaladaha siyaasadeed ee waddanka, iyadoo lagu wado in laga soo saaro war-murtiyeed ku aaddan qodobbada looga hadlo. 














