Guddoomiyaha Degmada Wadajir: Cidii xabad ku dhex-rida degmada sharciga ayaa lala tuugsan doonaa: VIEDO

0
364

Guddoomiyaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, Axmed Afrax ayaa uga digay shacabka segmadaas ku nool iyo ciidamada Dowladda in aysan rasaas ku dhex-ridi karin degmada xilliyada ay marayaan ama aroosyada ku qabsanayaan.

Sidoo kale, Guddoomiye Afrax ayaa xusay in walba oo rasaas ku ridda degmada inay sharciga la tiigsan doonaan, waxa uuna ku daray hadalkiisa in amniga degmada uu u leeyahay mihiimad weyn oo ayasan aqbali doonin in la carqaleeyo.

Guddoomiyaha Wadajir ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan looga hadlayay amniga caasimadda oo xalay lagu qabtay xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Degmada Wadajir ayaa soo dhaweeyay mashruucii uu guddoomiyaha Gobolka Banaadir daahfuray ee Muqdisho lagu ifinayo, isagoo sheegay hawshaas ay degmada uga socoto si xawli ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here