Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kumannaan ka tirsan shacabka ku nool Caasimadda dalla Muqdisho kala qayb-galay banaanbax ay ku taageerayaan dhameystirka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shacabka oo watay boorar ay ku xar-dhan yihiin in la dhameystiro dastuurka, ayaa waxa ay xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay ansixiyaan dhameystirka dastuurka, Waxa ayna madaxwaynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku taageereen ka dhabeynta ballan-qaadkiisii ahaa in uu dhameystirayo dastuurka dalka.
Xubno ay ka mid yihiin; guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, haweenka, dhalinyarta iyo culumada oo halkaas kula hadlay kumannaanka qof ee isugu yimid barxada Daljirka Dahsoon, ayaa codkooda ku biiriyay taageerada dhameystir dastuurka, Isla markaana kuwa diiddan ugu baaqay in ay ka hor leexdaan masiirka ummadda Soomaaliyeed.
Ugu danbeyn, Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay mid muqadis ah, si loo helo xuquuqda ka maqan kumannaanka shacab ee ku nool caasimadda, isla markaana loo cadeeyo maqaamka Muqdisho, Isaga oo ugu baaqay xubnaha xildhibaanada labada aqal ee BFS in ay ansixiyaan dhameystirka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
































































