MADAXWEYNE XASAN: Kuwa Dacaayadaha ka fidinaya Ciidamada XDS Ogaada waa Al-shabaab

0
386

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaallada ka dhanka ah Khawaarijta ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taas oo ku aaddan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan argagixisada.

Mudane Xasan Sheekh ayaa dareensiiyey ciidanka inay dagaalka ka soo billaabeen dhul boqolaal KM ka fog degmooyinka iyo deegaannada toddobaadkii hore la xoreeyay, haatanna Khawaarijtu ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeyd, ayna dhawdahay waqtigii guusha weyn la gaari lahaa.

Sidoo kale, Waxa uu Madaxweynuhu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee gobolka Galgaduud, kaas oo Khawaarijtu dicaayad been ah ka sameysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Khawaarijta dagaalkaas lagu dilay, maleeshiyaduna ay xabaal wadareed kuwada aastay, dhaawacoodiina ay dileen maadamaa aysan isbitaal u haynin, isagoo ballan-qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xawaal wadareedyada.

“Kuwa faafinaya dacaayadaha ee ciidanka Qaranka tashwiishka galinaya, ogaada waa Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha Dalka oo intaas raaciyay in dadkaas si dhab ah loo lala xisaabtami doono.

Dhinaca kale, Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta.

“Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadinayno waan gaaraynaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasaan Sheekh.

Madaxweynuhu shacabka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ay ciidanka Qaranka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirri-geliyo ciidamada, loogana guuleysto cadowga ragaadiyay horumarka dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay la xisaabtanka kuwa la siiyay awood dowladeed ee mas’uuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyay inay xilkooda si hufan u gutaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here