Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay masjidka madaxtooyada ayaa ka hadlay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo dhameystirka dastuurka.
Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda xooggana saartay hirgelinta shan qodob oo muhiim ah, isaga oo tilmaamay in qaar ka mid ah lagu guuleystay, kuwaas oo ay ka mid yihiin deyn-cafinta, ku biirstii urur-goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, wax kabadalka arrimaha dastuurka dalka, cuna-qabateynta hubka ee laga qaaday Somalia.
Dhanka kale, Madaxweynaha Dalka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayaan dagaalka looga xoreynayo Khawaarijta arxanka daran iyo in dalka loo sameeyo dastuur rasmi ah oo meesha laga saaro dastuurka KMG-ka ah oo muddo lagu soo jiray.













