Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed kaga qaybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirka oo maanta furmay ayaa waxaa shir-guddoominaya Madaxweynaha Jamhuutiyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, iyadoo loogu hadli doonno ajandayaal ay ka mid yihiin; Qaab dhismeedka amniga Qaranka, Hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad-goboleed.
Ugu dambeyn, Shirkan waxaa goobjoog ka ah: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye.














