Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa (31-ka Maarso, 2024) kormeer shaqo ku tagay suuqa ugu weyn ee dalka Somalia (Suuqa Bakaaraha) si uu ugu kuur-galo isbeddelka dhinaca amniga iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqaas ka jira xilliyada habeenkii ah.
Kormeerkan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen maamulka degmada Hawl-wadaag, saraakiisha laamaha amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu mid-mid u dhageystay shacabka u soo dukaameysi tagay suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaas oo ka warbixiyay isbeddelka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xoojiyo amniga caasimadda oo haatan ah mid aad u wanaagsan.
Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho ayaa si aad ah ugu dukaameysanaya Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyada kale ee ku yaalla Caasimadda xilliyada habeenkii ah, maadaama lagu jiro 10-kii dambe ee bisha Ramadaan, waxaana la la isku diyaarinayaa maalmaha ciidda ee foodda nagu soo haya.





































