SAWIRRO: Dowladaha Somalia iyo Mareykanka oo kala saxiixday Heshiis Muhiim ah

0
300

Dowladaha Soomaaliyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday heshiis muhiim u ah dowlad-dhusidda Soomaaliya, waxaana heshiiskan uu ahaa mid muddo ay labada dowladood kawada hadlayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Jaamac ayaa dhanka Somalia u saxiixay heshiiskan, dhanka dowladda Mareykanka waxaa u saxiixay danjiraha u jooga Soomaaliya, Larry Edward André, Jr:

Heshiiskan ayaa ayaa gundhiggiisa yahay dhisidda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Danab, kuwaasoo kaalin weyn ku leh dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxaana ahmiyadda heshiiskan uu yahay tababar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidanka Danab.

“Heshiiskan waa mid lagu xoojinayo  tababarada iyo qalabeynta ciidamada xoogga ee kumaandooska Danab si ay uga jawaabaan khataraha ka imaanaya Khawaarijta iyo in la dhiso awoodda ciidamada kumaandooska ee Danab” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa dowladda Mareykanka uga mahad-celiyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ayka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda heshiiskan muhiimka ah lagu kala saxiixanayay saxiixanayeen waxaa goobjoog ka ahaa taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jen. Cabaas Amiin.

Ugu dambeyn, Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya  ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here