Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay Munaasabad uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud xarigga uga jarayay xarunta Keydka Gaaska ee Banaadir (Banadir Gas Terminal LTD).
Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku amaanay ganacsatada Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan maal-gelinta kaabayasha ganacsiga dalka, waxa uuna xusay in ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta ganacsatada si ay u maalgashtaan dalkooda.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in ganacsatada ay door muuqda ka qaataan horumarinta Muqdisho iyagoo la shaqeeya maamulka gobolka Banaadir, waxa uu xusay in hirgelinta keydkaaan uu noqon doonno mid ay ka faa’ideystaan guud ahaan muwaadiniinta iyo ganacsatada ku nool dalka Soomaaliya.


































