SAWIRRO: Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qaybgalay Shirka Pan-Afrika

0
259

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uga qaybgalay shirka guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Afrika (Pan-Afrika).

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsaday hal-ku-dhigga Midowga Afrika ee sanadkan oo ah dardar-gelinta hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kale looga hadlay sidii Afrika ay u gaari lahayd isku fillaasho dhanka wax-soo-saarka cuntada ah iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo nabadgalyo xumida ay argagixisadu sababtay.

Mudanayaasha Soomaaliya uga qayb-galay shirkan oo kala ah: Xil. Aadan Maxamed (Saransoor), Xil. C\raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Xil. Zamzam Maxamed Cumar (Gobsan) iyo Xil. Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) ayaa ka warbixiyay kulanka guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika ugu qabsoomay xaruntiisa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn, Baarlamaanka Afrika oo ah baarlamaan uu leeyahay Midowga Afrika oo ay 54 dal xubno ka yihiin ayaa la rajeenayaa inuu sharci dajiye rasmi ah noqdo marka ay xeerkiisa saxiixaan 28 dal oo Afrika ah, iyadoo ay haatan 14 dal oo ay Soomaaliya ku jirto saxiixeen maanya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here