Shirweynaha Waxbarashada Qaranka ayaa galay maalintii 4-aad, shirka ayaa maalmihii tagay lagu soo bandhigay cilmi baarisyo iyo doodo muhiim u ah Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed.
Qodobada lagu falanqeeyay maanta waxaa ka mid ahaa: Waxbarashada Qarniga 21-aad ee Soomaaliya, iyadoo xubnihii ka halday ay qodobkaan si qoto dheer uga hadleen.
Mudane Cabdiqaadir Xasan Kadle ayaa soo jeediyey kalmad ku saabsan “Kaalinta ay leeyihiin Waxbarashada gaarka loo leeyahay”.
Sidoo kale, waxaa ka mid ahaa qodobbadii looga hadlay shirkii maanta kaalinta adeegga waxbarashada gaark loo leeyahay, waxaana xubnihii inay ka hadlaan loo xulay ay ku dheeraadeen muhiimadda kaalintaan waxbarasho ay u leedahay Bulshads Soomaaliyeed.
Sheekh Axmed Cabdisamad oo ka mid ah culummada Soomaaliyeed ayaa isna kusoo bandhigay shirka cilimibaaris ku saabsanayd “Kaalinta Macaahidda Shareecadda.” Waxaana qodobbadii uu kusoo bandhigay ka mid ahaa faa’iidooyinka aqooneed ee bulshadu ay ka heleen.
Ugu dambeyn, Xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ah: Guddoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Marwo Caasho Geeĺle Diiriye oo goobta kusoo bandhigay aragtidooda xaaladda waxbarasho ee dalka iyo heerarkii ay soo martay.














