Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha doorashada Qof iyo Cod ee Golayaasha Muqdisho oo maanta billaabatay: SAWIRRO

0
175

Waxaa maanta Muqdisho ka bilaabatay diiwaangalinta codbixiyayaasha oo ah tallaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd billaabashada doorashada Qof iyo Cod ee golayaasha deegaanka.

Degmada Shangaani ayaa noqotay degmadii u horreysay ee maanta laga daahfuro is diiwaangalinta codbixiyayaasha, waxaana safaf dhaadheer u galay dadweyne fara badan oo ka kala yimid xaafadaha Shingaani, dadka la diiwaangeliyey waxa ay isugu jiraan shacabka degmada, maamulka iyo mas’uuliyiin badan oo degmada ku nool.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday mas’uulkii u horreeyay ee maanta is-diiwaangeliyay, si u qaato kaarka codbixiyaasha.

Degmooyinka kale ee gobalka Banaadir ayaa iyaguna maalmaha soo socda martigelin doona is diiwaangalinta oo soconaysa illaa laga gaaro maalinta codbixinta doorashada.

Ugu dambeyn, Sida ku cad xeerarka doorashada, waxaa la qorsheynayaa in ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabsoomaan Banaadir, SSC Khaatumo, Hirshabeelle, Koofurgalbeed iyo Galmudug.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here