Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diyaar garoow ugu jirta sidii ay xal ugu heli leheed biyaha roobka uu dhigo wadooyinka Caasimadda, si usan hakad u gelin isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha Dowlada Hoose ee Xamar ayaa biloowday inay dib u nadiifin ku sameyso dhuumaha qaado biyaha roobka, si looga saaro carrada iyo qashin ku dhex jira dhuumaha.
Goobaha ay waaxda sida adag uga shaqeysay ayaa waxaa ka mid ah meelaha ay maraan dhuumaha biyaha qaado sida idin kaga muuqato sawirada hoose.














