Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jimcaha uu jeediyay maanta ku sheegay in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yahiin laba cadow oo duullaan ku ah madax-bannaanida, gobanimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Somalia ayaa tilmaamay in dowlad iyo shacaba Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin difaaca sharafka iyo dhawrista Qarannimada Soomaaliya. Waxa uuna tilmaamay haddii la isku sheeganayo dhul ay tahay in Soomaaliya ay sheegato dhulka ay Itoobiya ka haysato, balse aysan ahayn in Itoobiya ay xilligaan dhul kale naga hunguriyeyso.













