Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa qaraxyo maanta lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku tilmaamay kuwo gacanta lagu waday, kuwaasoo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo goobaha ay ka dhaceen la dhigay, waxa uuna beeniyay inay ahaayeen hoobiyeyaal lagu soo tuuray suuqa, isaga oo sheegay in la beegsaday lix xarun oo qalabka elektarooniga lagu iibiyo.
“Waxaa la beegsaday illaa lix goobood oo ganacsatada leh ay diideen farriimo ay u soo direen kooxaha Khawaarijta,” ayuu Guddoomiye Yabooh ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay bakaaraha.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in hay’adaha amnigu ay wadaan baaritaanno dheeraad ah, isagoo xusay in xaaladda suuqa ay tahay mid deggen, ayna hawlgallo ka wadaan ciidamada amniga, si loo garab istaago ganacsatada suuqa bakaaraha, loona dulqadan doonin inay Khawaarijtu carqaldeeyaan ganacsiga suuqa.
Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarqxyadii maanta lagu weeraray suuqa bakaaraha, waxaase isbitaallada ku yaalla Xamar qaarkood la gaarsiiyay tiro dhaawacyo ah.













