SAWIRRO: Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo lagu qabtay Kulan looga hadlay Maandooriyaha: MUUQAAL

0
404

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlay wax-ka-qabashada Muqaadaraadka iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.

Kulankan waxaa ka qayb-galay; wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Qaybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Aggaasimaha Agabka iyo Daawooyinka Wasaarada Caafimaadka Somalia iyo Culumaa-uddiinka Soomaaliyeed.

Madaxdii iyo Culumadii kulanka ka qayb-gashay ayaa isla gartay soo saarista sharci gaar ah oo lagu ciqaabayo cid kasta oo ka ganacsata maandooriyaha, maadaama uu halis ku yahay jiritaanka bulshada iyo xasilloonida dalka, isla markaana si dhab ah loo wajaho ololaha la-dagaallanka muqaadaraadka, iyadoo la kaashanayo maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’addaha Amniga.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa waxa uu daba socday shirar noocan oo looga hadlay maandooriyaha iyo muqaadaraadka, kuwaasoo dhibaato ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed, gaar dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here