Maamulka degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa maanta deeq raashin u qaybiyay dadka danta yar ee ku nool degmadaas.
Deeqdan oo ka timid cutubyada ciidamada Talyaaniga ee ku sugan Somalia, waxaana deeqda kala wareegay guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka degmada Cabdulcasiis Maxamed Xasan.
Sidoo kale, deeqdan oo raashin ahayd ayaa la gaarsiiyay dadka danta yar ee ku nool degmadaas, waxaana qaarkood oo la hadlay ay sheegeen inay kusoo aadday xilli ay baahi weyn u qabeen.














