Duqa Muqdisho oo kulan dhawr qodobbo looga hadlay la yeeshay Safiirka Dowladda Talyaaniga u jooga Somalia: SAWIRRO

0
336

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alberto Vecchi oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka wadahadlay xoojinta xariirka labada dhinac, fulinta mashaariic horumarineed iyo soo nooleynta mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Milano.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hay’addaha Caalamiga, Mudane Maxamed Xasan ayaa waxaa kaloo loogu hadlay dar-dargelinga dhismaha xarunta Casa Italia iyo taageerada dowladda Talyaaniga ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Gunaanadkii, Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa danjiraha Dowladda Talyaaniga kala hadlay sidii ay ugu qayb-qaadan lahaayeen qorshaha xasilinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta iyo sidii looga fulin lahaa goobahaas mashaaariic kala duwan oo ay ugu horreyso adeegyada asaasiga ah ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here