Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maalintii labaad ka qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo shalay ka furmay Magaalada Baydhabo.
Kulankan oo uu shir-guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga Qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.














