JAWAAHIR BAARQAB: Halkii aanu xusi lahayn Maalinta Haweenka waxaan ku bedelnay qorshe kale: MUUQAAL

0
411

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa sheegtay inay kaalintooda ka qaadanayaan baaqii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in Muqdisho laga sameeyo hawlgallo guryaha magaalada looga soo saarayo Garan-waaga oo loola jeedo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan Caasimadda.

Marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in sidoo kale ay kaalin weyn ka qadanayaan sidii loo dhiirri-gelin lahaa ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira cadowga Al-shabaab.

“Waxaan maanta joognaa xarunta maamulka Gobolka Banaadir, gaae ahaan Geedka Madaale, waxaana garbahayga taagan hormuudka haweenka degmooyinka Xamar, waxaana ka tashanaynaa sidii aan berri kulan weyn u qaban lahayn” ayay tiri Marwo Jawaahir.

Sidoo kale, Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in halkii ay ka xusi lahaayeen maalinta Haweenka ay ururin doonaan dhaqaale iyo wixii agab ah oo ay helin karaan, si loogu caawiyo haweenka soo barakacay ee aan haysan wax ay carruurtooda siiyaan iyo agoomaha korinaya” ayay tiri Marwo Baarqab.

“Intii aan ku xusi lahayn 8-da Maarso Hoteel, waxa aan go’aansannay inaan la imaanno fikir kaas ka duwan, waxaana la nimid inaan shir aan kaalmo isaga ururinayno ku yeelanno xarunta maamulka Gobolka Banaadir, wixii aan ururinno waxa aan ku caawin doonnaa hooyooyinka Soomaaliyeed ee dhibaatadu haysato” ayay ku dartay hadalkeeda Marwo Jawaahir Baarqab.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Jawaahir waxay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay mar walba garabtaagan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka, si ay ugu guuleystaan fulinta hawlaha ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan u hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here