Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo gargaar Dawo ah ku wareejisay Wasaaradda Difaaca: SAWIRRO

0
478

Agaasimaha waaxda dawada iyo qalabka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuunadda Federaalka Somalia Dr. Maxamed Maxamuud Caddoow ayaa deeq dawada ah ku wareejiyay madaxa hoggaanka caafimaadka ciidanka xoogga dalka, Dhamme C/fataax Maxamed Cabdi iyo agaasimaha isbitaalka xoogga, Dr. Saadaam Cabdullaahi.

Deeqdan dawada ah ayaa loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada ay ku harsan yihiin nabad-diidka.

Sidoo kale, Dhamme Cabdifataax ayaa ka mahadceliyay deeqda dawada ah ee ay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka ugu talagashay Ciidanka Qaranka ee har iyo habeen u taagan difaacidda iyo ilaalinta ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Caafimaadka Somalia iyo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa si wada jir ah isaga kaashada in Ciidanka Qaranka helaan adeegyada Caafimaadka iyo daryeelka ee ay u baahan yihiin goor kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here