Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay tababar muddo 5 casho ah uga socday shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir.
Tababarka oo ku saabsan ka-hortagga iyo ka jawaabidda musiibooyinka ugu horreeya dabka ayaa waxaa ka faa’iideystay shaqaale gaaraya illaa 60 qof, waxaana xirtaanka tababarkan ka qayb-galay mas’uliyiin kala duwan oo ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka howlaha guud Gobalka Banadir, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobalka Banadir, xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banadir, Agaasimha gurmadka degdegga, Agaasimaha xiriirka arrimaha dibadda iyo madax ka socota Hay’adda TIKA,.
Tababarka oo ay bixinayeen macallimiin ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Tuekiga magaalada Konya aya waxaa lagu soo bandhigay dhoolatus ka tarjumaya aqoontii la baray shaqaalaha dab-damiska.
Gunaanadkii tababarkan, waxaa shaqaalihii ka faa’iideystay la guddoonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya aqoontii ay tababarka ku qaateen.