Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wheliyo ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Saldhiga Booliska Degmada Heliwaa kusoo bandhigay xalay maandooriyeyaal laga soo qabtay magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in hawlgalka lagu soo maandooriyahan aadka u badan fulinta amarkoodii ahaa in lala dagaalamo wax kasta oo doorin kara maskaxda aadanaha, waxa uuna u mahadceliyay ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo hawlgalkaas fuliyay.
“Dilka macno-darrada ah ee loo geysto, boobka lagula kaco iyo dhibaatooyinka ay geystaan cayaal-weerada, dadka shaqadooda gabay iyo kuwa shaqadooda sida xun ugu takri falaaya waxa sababta u ah waa maandooriyaha” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay goobta datoogada lagu soo bandhigay.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa ciidanka booliiska uga mahadceliyay sida ay uga jawaabeen nin xirnaa dharka booliiska oo muwaadin Soomaaliyeed ku handayay qoriga, kuna qasbayay inuu maalin cad ka iibiyio sigaar iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
” Haddii askari kasta oo shacabka ku xad-gudbaya sidan oo kale looga hortago, waxaa yaraanaya xadgudubyada ay askartu kula kacaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Madaale.
Ugu dambeyn, Mukhaadaraadka lasoo bandhigay ayaa isugu jiray xaahiish, caqal iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya, waxaana tani ay qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in looga hortago waxyaabaha dhibaatada ku haya dadka ku nool Muqdisho.














