Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyaa, mudane Mahad Maxamed Salaad, waxa uuna gu hambalyeeyay mas’uuliyadda mar kale loo igmaday ee hoggaanka hay’adda NISA.
Kulanka n oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo suyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha booliska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi, taliyaha qaybta guud ee boliska gobolka Banaadir G/le Sare, Mahdi Cumar Muumin, taliyaha nabad-sigida gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Shaaweeye iyo saraakiil kale ayaa sidoo kale looga wadahadlay xoojinta amniga iyo wada-shaqeynta hay’addaha kala duwan.
Dhanka kale, Saraakiisha ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay sugidda nabad-gelyada Muqdisho maalmahaan farxadda badan ee ciidda, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada amniga lagu sugayo si shacabka Soomaaliyeed ay ugu ciidaan xasillooni iyo nabadgelyo.
Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka u taagan sugidda sidii farxad iyo nabad ay ugu ciidi lahaayeen.






















