Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis is-afgarad ah oo la xariira dib u qaabeynta ilaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Horumarrinta Magaalada Muqdisho.
Kulankan lagu saxiiyay heshiiskan is-af-garadka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo xubnaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Heshiiskan ayaa waxa uu dhabbaha u xaarayaa sidii maalgashi ballaaran loogu dameysan lahaa Caasimadda dalka, taasoo horsedaysa koror dhanka dakhliyada ah.