Guddoomiye Amiir oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya: SAWIRRO

0
33

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi, iyaga ooo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga ku dhisan wax wada-qabsi oo dhexmara labada dhinac.

Duqa Muqdisho ayaa ka mahad-celiyay doorka dowladda Talyaaniga ee garab-istaaga Somalia, taas oo ku dhisan xiriir soo jireen ah oo aad u fog.

Sidoo kale, labada dhinac ay ka hadlay isku xirka dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo tan Muqdisho, hirgelinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh dhallinyarada iyo in dowladda Talyaaniga ay qayb ka qaadato dib-u-dhiska dhismooyinka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, taasi oo qayb ka ah qorshaha horumarka iyo bilicda Caasimadda.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here