Duqa Caasimadda oo Dhagax-dhigay Dhismaha Bacadlaha Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
318

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Mall weyn oo caalami ah kaas oo laga dhisayo xaruntii Bacadlaha ee degmada Xamarweyne.

Suuqan casriga ah ayaa ka koobnaan doona illaa 500 dukaan, goobo nasasho, xafiisyo, bankiyo iyo goobo carruurta lagu madadaaliyo. Waxa uuna Duqa Muqdisho sheegay in maamulka gobolka uu dhiirri-galinayo tallaaba kasto oo maalgelin taas oo lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maamliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamud Guure, guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, maamulka degmada Xamarweyne iyo madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here