Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa maanta oo Sabti ah ka furmay tababar ay bixineyso BBC Media Action, kaasoo oo ay ka qayb-galeen qaar ka mid ah weriyayaasha ka shaqeeya Idaacadda Codka Caasimadda ee magaalada Muqdisho.
Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsan yahay qaabka loo tabiyo loona xusho warar iyo barnaamijyo haboon oo ay ka muuqato mas’uuliyad iyo xirfad, waxaana bixinayay tababarka Axmed Nagaashe oo tirsan BBC Media Action.
Mr. Negaashe ayaa tababarka waxa uu ku bixiyay casharo ku saabsan sida loo diyaariyo barnaamiyo iyo warar tayeysan oo ka guuxaya maanka dadweynaha ku xiran raadiyaha Dowladda Hoose.
Tababarkan waxaa joobjoog ahaa agaasimaha Idaacadda codka caasimadda Cabdinaasir Iidle, waxaana shaqaalaha maanta tababarka ka faa’iideystay ay bogaadiyeen kana mahad-celiyeen qaabka loo soo agaasimay, iyaga oo codsaday in tababarka noocan oo kale ah la joogteeyo.
Ugu dambeyn, Tababarkan oo lasoo gaba-gabeynayo maalinta berri ah, ayaa waxaa uu daba socdaa iskaashi dhex maray BBC Media Action iyo warbaahinta dowladda Hoose, gaar ahaan Idaacadda Codka Caasimadda ee gobolka Banaadir, waxaana lagu xoojinayaa xirfadda shaqaalaha warbaahinta Dowladda Hoose.






















