Sahro Maxamuud Cumar Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmda Xamar Jajab ayaa ka warbixisay adeegayada caafimaadka, Waxbarashada iyo nadaafadda degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.
Gudoomiye Sahro Maxamuud Cumar oo la hadashay Idaacadda Codka Caasimadda ayaa sheegtay in maamulka degmada uu waxbadan ka qabtay adeegyada caafimaadka iyo nadaafadda degmada, iyada oo sheegtay in wada shaqeyn wanaagsan ay kala dhexeyso bulshada ku nool degmada .













