Xoghayaha Guud ee QM Guatters oo kusoo Wajahan Soomaaliya

0
362

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guatters ayaa todobaadkan gudihiis kusoo wajahan Soomaaliya, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay laanta afka carabiga ee warbaahinta Qaramada Mdioobay.

Gutters ayaa socdaalkiisa qayb ka ah safarrada sanadlaha ah ee uu bisha Ramadaan ku tago dal ka mid ah kuwa  ay ku badan yihiin dadka muslimiinta, isagoo sanadan doortay Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Soomalaiya, kuwa hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada bulshada rayidka iyo ciidamada ATMIS ee taageerada ka hela Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xoghayuhu waxa uu xanbaarsan yahay fariin culus oo uu ku baaqayo midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here