Golaha Murtida iyo Madadaallada ayaa xalay lagu qabtay munaasabadda lagu soo bandhigayo waxqabadka xukuumadda DanQaran ee lixdii bilood ee ay shaqeynaysey.
Munaasabadda waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, xubnaha golaha wasiirrada, xildhibaanno, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabadda ayaa inta ay socoto waxaa dadweynaha ka soo qayb-galay ay su’aalo ka weydiiyeen xukuumadda DanQaran waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ee la soo dhaafay.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo goobta ka hadlay ayaa yiri: “Xukuumaddu waxay yeelanaysaa dhaqanka ah in xilku yahay mas’uuliyad ee uusan ahayn meel la isku sharfo, Isla xisaabtanku kuma eka hoolkaan iyo madashaan”.
Waxaana kale oo RW Xamse uu sheegay in xukuumadda ay diyaar u tahay in lagula xisaabtamo hawlaha ay bulshada u hayso, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin in khalad ah ee lagu arko ay sixi doonaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad la jeediyay munaasabadda ayaa soo dhaweeyay dhaqanka ay jideysay xukuumadda DanQaran, isagoo sheegay in isla xisaabtanka uu yahay mid furan oo aan xad lahayn.
“Xukuumadda DanQaran ee hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse caawa dhaqan cusub ayay billaabeen oo ah inay u furan yihiin isla-xisaabtan iyo in su’aallo la weydiiyo, dadkana u sharaxaan waxa lagu hayo xafiisyada dhexdooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu, waxa uu hadalkiisa ku daray: “Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, si bulshada soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo.”
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa waxa uu yiri: “Xukuumaddu waxay ku guuleysatay shaqo muuqata oo dalka laga qabtay, waxaan uga mahadcelinayaa sida ay uga go’an tahay isla xisaabtan iyo daah-furnaan.”
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda DanQaran ayaa isna waxa uu munaasabadda ka yiri: “Dadaallada millatari waxaa barbar socda sidii degmooyinka la xoreeyay dhammaantood loo geyn lahaa booliis madani ah, hay’adihii garsoorka, iyo maamulkii Dowladaha Hoose, saddexdaas oo noqonaya dhidibada lagu dul-dhisayo adeegyada bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.”
Ugu dambeyn, Munaasbadda ayaa ku dhacday jawi nabdoon, waxaana amniga guud ee Tiyaatarka Qaranka iyo goobaha ku dhaw sugayay ciidamada Qaybaha booliiska iyo nabadsugidda Gobolka Banaadir.
















