Maamulka Degmada Kaxda ayaa galabta kulan la qaatay barakacayaasha ku nool degmadaas, waxaana looga hadlay kulanka dardar-gelinta amniga, waxbarashada carruurta ku nool kaamamka iyo sidii la ısaga kaashan lahaa amniga guud ee xerooyinka ay ku nool yihiin barakacayaasha.
Guddoomiyaha degmada Kaxda, mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Baracayaasha ugu baaqay in ay carruurta wax-baraan si ay mustaqbal wanaagsan u helaan, sidoo kale waxa uu ka codsaday in lala shaqeeyo laamaha amniga, si loogu hortago kooxaha cadowga ah ee Khawaarijta si aysan ugu geysan dhibaatooyin.
“Waa farxad in tiro intaan le’eg oo ku nool degmada aan halkaan isugu nimaanno, waxaan ka hadli doonaa waxyaabo aan badnayn oo dhammaanteen dan inoo ah. Warkiinna waan haynaa, waan ognahay xaaladaha lagu sugan yahay iyo sida lagu nool yahay. Inaan si wadajir ah uga hadlno danteenna ayaan isugu kiin yeeray,” ayuu yiri guddoomiye Cabdullaahi Sheekh oo la hadlayay barakacayaasha ku nool degmada Kaxda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka barakacayaasha ah looga baahan yahay inay carruurta waxbarasho u dirtaan, si baahida looga baxo, waxaana arrintaan ka wargeysan doonaa guddi jira oo aan doonayno in aan ku boorinno sidii carruurta degmada, gaar ahaan barakacayaasha waxbarasho loo diro, maadaama degmada ay ku yaallaan laba iskuul oo ay maamusho Dowladda uuna hirgeliyay maamiulka gobolka Banadir, si jahliga iyo dhibaatada looga baxo.
“Dhibaatada kuwa geysanaya waa dad aan waxba baran, waana ciyaar weero iyo khawaarij, marka si aan dhibaatadaas aan qayb uga nqoon waa inaan carruurteenna wax barno, waayo qof wax bartay dhibaato ma geysanayo, qofka dhibka geysta waa qof aan waxba baran,” ayuu yiri guddoomiyaha Kaxda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in salaam uu uga wado guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, isagoo xusay in guddoomiyuhu uu la socdo xaaladooda, kulanka maantana uu la socdo.





































