Madaxweyne Xasan oo saxiixay soo jeedinta RW Xamse ee guddiga dib u eegista Dastuurka

0
287

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay soo-jeedinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka  oo Kala ah:

  1. Mudane Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye
  2. Mudane Axmed Maxamed Jaamac; Xubin
  3. Mudane Maxamed Cabdalla Saalax; Xubin
  4. Marwo Farxiyo Muumin Cali; Xubin
  5. Mudane Maxamed Xasan Idiris; Xubin

Xubnaha Guddigan waxaa ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golha Aqalka Sare ee BFS kadib soojeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here