Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Madaxa Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sacuudiga, Sultan Abdulrahman Al-Marshad.
Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa Madaxa (SFD) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen Qorshayaasha Hor-tabinta u leh Dowladda Hoose ee Xamar iyo barnaamijyada Horumarineed ee Caasimadda, taasoo ay ugu horreyso horumarinta kaabayaasha adeegyada asaasiga sida caafimaadka, waxbarashada, dib-u-dhiska Caasimadda iyo horumarinta Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Madaxa Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa ballan-qaaday in Sanduuqa (SFD) uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar kala shaqeyn doonno Arrimaha Horumarinta iyo Adeegyadda Aasaasiga ee wax-tarka u leh Bulshada ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.














