Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jumcaale ka hadlay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamo ku sugnaa dalka jirka Dahsoon iyo aaaga Hoteelka Maaida oo ay deganaayeen qaar ka mid ah musharixiinta mucaaradka sida Xasan Sh.Maxamuud iyo Shariif Sh.Axmed.
Wasiir Xasan Xundubey Jumcaale ayaa sheegay in maleeshiyaad hubaysan xalay sadqii dhexe abaaro 1:00 AM habeenimo ay weerar ku soo weereen baraha ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
“Sarkaal u hadlay ciidanka weerarka soo qaaday ayaa xalay fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha dowladda, ayna qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho, dowladda waxeey heegan gelisay Ciidamada Qalabka Sida ee dalka“ ayuu yiri Wasiir Xundubeey.
Waxuu tilmaamay in maleeshiyaadkii la soo abaabulay ay weerar ku soo qaadeen barihii ay joogeen Ciidamada Qalabka Sida , iyadoo la filayay inay sioo qaadi doonan weerarkii ay horay u sheegteen, ciidanka DFS ay iska difaaceen weerarkaas.













