Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Somalia oo la kulmay Dhiggiisa dalka Ciraaq iyagoo ku heshiiyay inay sameystaan iskaashi joogto ah: SAWIRRO

0
60

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ee ka qayb-galaya madasha 6-aad ee dalalka Carabta ee yareynta khataraha masiibooyinka, ayaa kulan rasmi ah la qaatay wafdiga dowladda Ciraaq uga qaybgalaya shirkaas oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda deegaanka dalkas, Dr. Halo Mustafa Askari oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga dhanka maareynta musiibooyinka, yareynta khataraha iyo isdhaafsiga khibradaha la dagaallanka khataraha dabiiciga ah iyo kuwa ay sababaan ficillada bani’aadamka ay sameeyaan.

Labada dhinac, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta dhaw ee la xiriirta ka hortagga khataraha iyo awoodeynta maareynta musiibooyinka, waxaana la isku raacay in dowladuhu iska kaashadaan is-dhaafsiga, aqoonta, waayo-aragnimada, cilmi-baarista iyo farsamooyinka casriga ah ee la xiriira maareynta khataraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here