SAWIRRO: Rashford oo heshiis cusub u saxiixay Man United iyo Jordi Alba oo ku biiray Kooxda Inter Miami

0
380

Weeraryahanka xulka England Marcus Rashford ayaa qandaraaska u kordhiyey kooxdiisa Manchester United ilaa bisha June sannadka 2028, sida ay shaacisay kooxda Premier League Talaadada maanta ah.

Rashford, oo heshiiskiisa hore lagu waday inuu dhaco 2024, ayaa ku dhawaad 360 kulan u saftay United tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeysay ee 2016.

Waxa uu u dhaliyay 123 gool tartamada oo dhan, 30 ka mid ah waxa ay ahaayeen xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo kooxda ka caawiyay inay ku dhameystaan kaalinta seddexaad.

“Waxaan ku biiray Manchester United anigoo ah wiil toddoba jir ah oo riyo leh, isla xamaasaddaas, niyaddaas, iyo go’aan qaadashada inaan guulo gaaro ayaa weli igu sii kicinaysa mar kasta xirashada iyo sharafta funaannada kooxda,” ayuu yiri 25-sano jirkaan.

Xilli ciyaareedkii 2022-23 Rashford waxa uu ku guulaystay ciyaartoyga sannadka ee kooxda iyo abaal marinta ciyaartoyga sanadka.

Dhanka kale, Daaficii hore ee Barcelona Jordi Alba ayaa Lionel Messi kula biiri doona Inter Miami, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha kooxda horyaalka Major League Soccer (MLS) Jorge Mas maanta.

34-sano jirkaan ka ciyaaraha dambeedka bidix ayaa Barcelona fasaxday dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu u ciyaaray in ka badan 450 kulan, isagoo kula guuleystay Champions League 2015, lix horyaal oo LaLiga ah, shan Copa del Rey, afar Spanish Super Cups iyo koobka aduunka ee naadiyada.

Alba, oo in ka badan 90 kulan u saftay Spain, ayaa qeyb ka noqon doona kooxdii hore ee Barcelona oo hadda laf dhab u ah kooxda Inter Miami, iyadoo Messi iyo Sergio Busquets ay horay ugu soo biireen kooxda.

“Hore ayuu u saxiixay qandaraaskiisa, wuxuuna imaan doonaa maalmaha soo socda. ayuu yiri bababre Tata (Gerardo Martino) isaga ku xisaabtamaya.

Miami ayaa sidoo kale raadineysa inay la soo wareegto ciyaaryahan kale oo hore ugu soo ciyaarayay Barca, waana weeraryahanka Uruguay Luis Suarez, kaasoo u ciyaara Gremio ee Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here