Duqa Muqdisho oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Ramadaan

0
415

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Caasimadda ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoo u rajeeyay inay nabad iyo caafimaad ku soomaan.

Duqa Muqdisho ayaa ku baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah ee aan awoodin inay afur helaan, isagoo dadka Alle uu wax siiyay ka codsaday in aanay dayacin kuwa ku hoos nool ee aan dhaqaalaha heysan.“Bisha Ramadaan waa bil cibaado oo ah fursad sanadkiiba mar soo marta dadka Muslimiinta ah ee caalamka ku nool. Waa bil lagu yaqaan sadaqada iyo isku naxariisashada, sidaas awgeed waa in inta uu Alle u nimceeyay aysan iĺloobin kuwa ka dhaqaale hooseeya” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo safar kaga maqan caaasimadda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in kaalin laga qaato sugidda amniga inta lagu jiro bisha Ramadaan, isagoona ku baaqay in wax walba oo khatar keeni kara laga wada hortago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here