Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Barre ayaa guddiga olombikada Soomaaliyeed ku amartay in shaqada uu ka joojiyo guddoomiyaha xirriirka cayaaraha fudud ee dalka, Khadiijo Aadan Daahir.
“Wasaaradda waxaa u caddaatay in Nasro aysan ahayn cayaaryahanad ka tirsan oroddada iyo in marwo Khadiijo Aadan ay sameysay ku takri-fal dhanka awoodda ah iyo sumcad dil Qaran,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda.
Dhanka kale, Guddiga Olombikada Qaranka oo fulinaya amarka wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa shaqada ka joojiyay Guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud, Marwo Khadiijo Aaden Daahir.
Haddaba, AKHRISO qoraallada kasoo kala baxay wasaaradda cayaaraha Soomaaliya iyo xiriirka Olombikada Qaranka:















