Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo xiray Arbacadii shalay shirka sanadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta, iyadoo ka isku raacay habraacyada loo marayo qaadista cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa soo xiray Xuseen Macallin oo ah la-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana khudbad uu jeediyay uu ku sheegay in dhinacyadu isla qaateen dardar-galinta qorsheyaal muddeysan iyo habraacyo loo marayo geeddi-socodka qaadista cuna-qabateynta hubka ee waqtiga dheer saaran Soomaaliya.
‘’Waxaan ku guuleysannay gaaridda in badan oo ka mid ah hal-beegyadii loo baahnaa, kuwa dhimanna sanadkan gudihiisa ayaan dhammeystiri doonaa. Ma ahan riyo iska fudud in la qaado cuna-qabataynta hubka, balse waa arrin lagama maarmaan ah si aan ula wareegno mas’uuliyadda amniga Qarankeenna’’.
Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka, iyadoo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka.














